Huduma Kenya oo war ka soo saartay bixinta aqoonsiga qaran

0
958

Xarunta dhexe ee bixinta adeegyada aasaasiga ee dadweynaha ee Huduma Kenya ayaa bayaan ay soo saartay ku xaqiijisay inuu weli socdo qorshaha lagu dhaqan gelinaya amarkii madaxweynaha.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa horay amar ugu bixiyay in kenyaanka ay si lacag la’aan ah ku helaan aqoonsiga qaran.
Waaxdan oo shacabka ka codsatay in ay dulqaad muujiyaan ayaa sheegtay in ay ku howlan tahay geeddisocodyo dhanka maamulka ah oo looga dhabeynaya amarkii madaxweynaha qaranka.
Ujeeddada laga leeyahay ayaa ah in qof kasta oo kenyaan ah fursad loo siiyo helidda aqoonsiga si uu uga qayb qaato doorashada.
Toddobaadyo ka hor ayay ahayd markii madaxweyne William Ruto uu sidatan sheegay xilli uu ku sugnaa ismaamulka Vihiga.