Hub lagu wareejiyay saraakiisha ammaanka ee Waqooyiga Rift Valley

0
286

Waaxda qaran ee adeegga booliiska ee NPS ayaa sheegtay in ciidamada ammaanka ee Waqooyiga gobolka Rift Valley ay la wareegeen hub loo soo gacan geliyay.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa maalmo ka hor kooxaha haysta hubka sharci darrada ah ee qaybaha wadanka u qabtay saddex cishe oo ay ugu soo wareejinayaan laamaha ammaanka.
Waxaa uu sheegay in muddadan oo shalay ku ekeyd ka dib la billaabi doono howlgal ballaaran oo lagu beegsanaya hubka sharci darrada ee ay sitaan dadka gaysanaya falalka burcadnimo.
NPS ayaa xustay in maamulayaasha maxalliga iyo ciidamada ammaanka ee bartamaha Pokot lagu wareejiyay saddex qori.
Sidoo kale guddoomiye ku xigeenka dowladda dhexe ku matalo degmada Baragoi ee Waqooyiga ismaamulka Samburu ayaa isna lagu wareejiyay qori ah nooca AK47 oo ay ku jiraan ilaa saddex xirmo oo rasaas ah.