Hub lagu wareejiyay booliiska ismaamulka Mandera

0
191

Waxaa hub lagu wareejiyay laamaha amniga ee ismaamulka Mandera sida ay xaqiijisay waaxda qaran ee adeegga booliiska dalka NPS.
Hubka ayaa waxaa booliiska ku wareejiyay odayaal ka soo jeeda beel ka mid ah kuwa degga Waqooyiga dowlad deegaanka Mandera.
NPS ayaa sheegtay in 13 ka mid ah odayaasha degga Waqooyiga Mandera ay booliiska ku wareejiyeen 5 qori oo nooca AK-47 ah, 5 qasnadood oo faaruq ahaa iyo 43 rasaas ah.