Ciidamada booliiska ee magaalada Garissa ayaa gacanta ku haya afar eedeysanayaal oo rag ah oo la sheegay inay hubeysnaayeen.
Saraakiisha ayaa sidoo kale helay afar qori , 19 ah qasnadaha rasaasta , ilaa 500 oo xirmo oo rasaas ah iyo dhowr taleefoon.
Waxyaabahan ayay ciidamada soo heleen xilli ay afarta qof ka soo qabteen degmada Nuno ee ismaamulka Garissa.
Tani ayaa timid ka dib howlgal degdeg ah oo ay iska kaashadeen ciidamada saldhigga booliiska ee Garissa iyo kuwa xudduudaha ilaaliya taasoo keentay in baabuur cad oo Toyota Probox ah la soo qabto.
Magacyada eedeysanayaasha uu baabuurka siday ee la xiray ayaa lagu kala sheegay Yussuf, 40; Cali, 39; Axmed, 29 sano jir iyo Cabdullahi, 38 sano jir ah.
Waaxda qaran ee adeegga booliiska ee NPS ayaa qoraal ku sheegtay in dhammaan afarta qof ay ku labisnaayeen dareeska militariga iyadoo qof waliba oo ka mid ah uu sitay nooca qoriga ee AK-47 oo ay ku jirto rasaas badan.
Laamaha ammaanka ayaa sidoo kale howlgalkaasi ku soo helay mindi iyo agab kale.
Baabuurka ayaa hadda meel la dhigay waxaana socdo baaritaano ka hor inta aanan afarta ruux maxkamad la soo taagin.
Waaxda qaran ee adeegga booliiska ayaa shacabka uga mahadcelisay macluumaadka ay la wadaageen ciidamada oo howlgalka ka dhigay mid lagu guulaystay.