HRW oo doonaysa in la baaro duqeymaha Israa’iil

0
238

Hay’adda caalamiga ee xuquuqul aadanaha ee Human Rights Watch ayaa sheegtay in la doonayo in sida dembiyo dagaal oo kale loo baaro weerarrada sharci darrada ah ee ay militariga Israa’iil ka gaysanayaan xarumaha caafimaadka sidoo kalena lagu bartilmaameedsanaya saraakiisha caafimaadka.
Waxay warbixin ku sheegtay in duqeymaha ay sii burburinayaan hannaanka caafimaad ee Qaza.
Hay’adda ayaa doonaysa in baaritaannadan ay sameeyaan maxkamadda caalamiga ee dembiyada dagaalka ee ICC-da iyo guddiga madaxa bannaan ee xaqiiqa raadinta ee Falastiin.