Hay’adda caalamiga ee xuquuqul aadanaha ee Human Rights Watch ayaa sheegtay in ciidamada ilaalada xuduudaha ee boqortooyada Sacuudi Carabiya ay dad badan ku laayeen xadka uu dalkaasi la wadaago wadanka Yemen.
Waxaa ay hay’adda sheegtay in tan iyo sanadkii hore boqollaal qof oo ay ka mid yihiin tahriibayaal Itoobiyaan ah la dilay.
Tahriibayaasha ayaa ka tallaabay xadka dalka Yemen, iyadoo ciidaamada ilaalada xuduudaha Sacuudiga ay toogteen dadkan.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dadkan ay doonayeen in ay gaaraan wadanka Sacuudiga.
Eedeymahan ilaa iyo hadda xukuumadda Riyadh ma aynan ka hadlin.
Dhanka kale, koox uu fadhigeedu yahay magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa sheegtay inay diiwaangaliyeen tacadiyada ka dhanka ah muhaajiriinta Itoobiyaanka ah ee loogu gaytstay sohdinta ay wadaagaan waddamada Sacuudiga iyo Yemen.