Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa degaanka ayaa howlgallo xoogan oo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab waxaa ay ka wadaan degaano ka tirsan Koonfurta Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, halkaas oo mararka qaar lagu arko Xubno katirsan Al-Shabaab.
Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali Jeeyte Cismaan oo howlgalka hoggaaminaya ayaa gaaray degaannada Jiinka wabiga ee koonfurta magaalada Beledweyne, halkas oo uu sheegay in Al-Shabaab ay dooman isticmaalayeen si Dhuumaaleeysi lagana burburiyey.
Gudoomiyaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu Baaqay in Al-Shabaab aan fursad la siinin asigoo xusay in ay yahiin kuwo waqtigooda dhamaaday loona baahan yahay in la sii wadi howlgallada dalka looga saarayo.
Wararkii ugu dambeeyay ee Koonfurta Magaalada Beledweyne naga soo gaaraya ayaa sheegaya in Ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ay halkaasi ka wadaan howlgallo xoogan.




