Adeegga qaran ee booliiska ee NPS ayaa sheegay in saraakiisha ammaanka ay howlgallo ka dhan ah daroogada sharci darrada ay ka fuliyeen tuulooyinka Kimnai ,Chugor iyo aagga webiga Kerio River ee ismaamulka Elgeyo Marakwet.
Waxaa halkaasi lagu burburiyay ilaa 200 oo kiilogaraam oo ah xashiish lagu dhex abuuray beer galley ah.
NPS ayaa intaasi ku dartay in ay socdaan dadaallada lagu soo xiraya shakhsiyaadka arrintan ku lugta leh.
Adeegga qaran ee booliiska ayaa qoraal ku xusay in ay ka go’an tahay sii ballaarinta howlgallada ka dhanka ah falal dambiyeedyada salka ku haya maandooriyaha.
NPS ayaa dadweynaha ka codsatay in warbixinnada la xiriira dembiyada ay ku wargeliyaan saldhigga booliiska ee ugu dhow.