Isbeheysiga militari ee uu hoggaaminayo Sacuudiga ayaa sheegay in laga billaabo maanta uu joojin doono howlgallada militari ee uu ku taageerayo dowladda Yemen kuwaasoo ka dhan ah Xuutiyiinta ka daggaallamo gudaha wadankaasi.
Go’aankan ayaa loo aaneeyay in bisha barakeysan ee Ramadaan ay dhawaan billaabanaysa.
Waxay tani ku soo beegantay ka dib baaq ka soo baxay qaramada midoobay oo ahaa in bisha Ramadaan aysan labada dhinac dagaallamin.
Isbeheysiga uu hor kacaya Sacuudiga ayaa kooxda Xuutiyiinta ee ka soo horjeedda dowladad Yemen la dagaallamayay tan iyo sanadkii 2015-kii.