Howlgalka nabadsugidda ee QM oo Congo ka bixi doono bisha 12-aad ee sanadkan

0
198

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ugu dambeyn dhammaadka sanadkan ay dalka Congo ka bixi doonaan ciidamadeeda halkaasi u jooga howlaha nabad sugidda.
Waxaa uu qorshuhu yahay in dhammaadka bisha Afaraad ee sanadkan ay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ee DRC ka baxaan ilaa 2,000 oo sarkaal.
Wajigan oo noqonaya midka ugu horreeya ayay ciidamada nabad sugidda ee jimciyadda qurumaha ka dhexeysa ku banneyn doonaan bariga Congo.
Howlgalka MONUSCO ayaa in ka badan 20 sano la dagaallmayay kooxo fallaago ah.
Madaxa howlgalkan , Bintou Keita ayaa arrinkan ka sheegay shir jaraaid oo uu shalay ku qabtay caasimadda Congo ee Kinshasa .
Tani ayaa timid ka dib markii dowladda talada haysa ee Congo ay howlgalka nabad sugidda ee qaramada midoobay ka dalbatay inuu halkaasi iskaga baxo maadaama ay ku eedeysay inuunan ku guulaysan in rayidka laga badbaadiyo weerarrada kooxaha hubeysan.
Waxaa bariga Congo gaar ahaan gobollada North Kivu, South Kivu iyo Ituri ku xooggan kooxaha ay ka midka yihiin ADF iyo M23 halkaasi oo ay kooxahan ka gaystaan falal rabshadeysan oo isugu jiro dilal iyo barakicin.