Howlgalka hub ka dhigista oo ka socdo Elgeyo Marakwet

0
157

Adeegga qaran ee booliiska ee NPS ayaa sheegay inuu guulo laga soo hooyay howlgalka hub ka dhigista aan qasabka ahayn ee laga fulinaya ismaamulka Elgeyo Marakwet.
Tani ayaa timid ka dib markii shalay labo qori oo dheeraad oo ah nooca AK-47 lagu soo wareejiyay saldhigga booliiska ee Embobut .
Ilaa iyo hadda , waxaa laamaha ammaanka loo soo gacan geliyay 301 oo hub sharci darro ah,2,175 oo xirmo oo rasaas ah iyo bam dhammaantood laga helay gudaha Elgeyo Marakwet.
NPS ayaa intaasi ku dartay in ay bogaadinaysa wada shaqeynta kala dhexeysa dadka deegaanka ee lagu taageeraya nabadgelyada.