Howlgal lagu xaqiijinaya bixinta canshuuraha oo laga billaabaya guud ahaan dalka

0
401

Ku simaha abaanduulaha ciidanka booliiska dalka , Nuur Gaaboow ayaa amar ku bixiyay in dalka oo dhan ay ka dhacaan howlgallo lagu bartilmaameedsanayo dhammaan badeecooyinka sharci darrada ah iyo kuwa kontarabaanka ah, si looga hortago in si bareer ah looga dhuunto bixinta canshuuraha.
Dhammaan saraakiisha booliiska ayaa lagu amray in ay lahaadaan taxaddar sare oo la xiriira meelaha ay mas’uulka ka yihiin oo ay fuliyaan howlgallo sirdoon ku saleysan si loola dagaallamo dhammaan siyaabaha looga dhuunto canshuur bixinta.
Sido kale, dhammaan taliyayaasha waxaa la faray inay la xiriiraan xafiisyada maamulka canshuuraha ee KRA ee maxalliga ah ee ku yaalla meelaha ay qaabilsan yihiin.
Marka la ogaado xaaladda canshuurta la xirirrta, waxaa looga baahan yahay inay la xiriiraan saraakiisha KRA si loo baaro loona soo gabagabeeyo arrinta.
Mr. Nuur Gaaboow ayaa sheegay in dhammaan taliyaasha gobollada iyo kuwa ismaamullada laga doonayo inay mas’uuliyaddan gutaan iyagoo kaashanaya KRA.
Sida uu sheegay Gaaboow, dadka ganacsatada ah ee aan damiir lahayn ayaa sameeya habab ay kaga baxsadaan canshuuraha, sidaas darteedna ay saameynayaan dadaalka dowladda ee bixinta adeegyada.
Mr.Gaaboow ayaa xusay in iyadoo dakhli uruurinta ay tahay mas’uuliyadda shaqo ee maamulka KRA haddana waaxda adeegga booliiska qaranka ay waajib ku tahay inuu tallaabo qaado markasta oo dambiyada la galo.