Howlgal ka dhan ah caanaha kontarabaanka oo laga sameeyay Mombasa

0
236

Saraakiisha waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa ismaamulka Mombasa ee gobolka Xeebta ka fuliyay howlgal lagu bartilmaameedsanayay caanaha kontarabaanka ah.
Waxaa uu howlgalku ka dhacay dukaan lagu iibiyo badeecooyinka jumlada ah oo ku yaalla aagga Lebanon ee waddada Biashara Street.
Waxay DCI-da kaashatay guddiga caanaha ee dalka iyo maamulka canshuuraha ee KRA.
Saraakiisha ayaa howlgalka si wadajir ah uga fuliyay bakhaarka AMS Wholesalers Limited halkaasi oo ay ka soo heleen 41 kartoon oo ah caanaha budhadha ee HILWA oo uu midkiiba ka kooban yahay 25 kiilogaraam oo laga keenay dalka New Zealand iyo 25 kaartoon oo ah caanaha nooca BROOKSIDE ee budhadha ah oo ka kooban min 25 kiilogaraam.
Maamulka KRA ayaa qiimaha lacageed ee la canshuuri karo ee badeecooyinkan ku sheegtay 1,650,000 oo shilin.
Badeecooyinkan ayaa hadda la geeyay bakhaarka KRA ee deegaanka Changamwe ee ismaamulka Mombasa.
Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa bayaan ku sheegtay in la xiray hal eedeysane oo lagu magacaabo Axmed Saalax Maxamad oo la rumeysan yahay inuu caanahan ka ganacsado.
DCI ayaa sheegtay in ka dib markii eedeysanaha su’aallo dheeraad ah la waydiiyay inuu saraakiisha u sheegay in caanaha la qabtay uu kala wareegay Dahir oo isna bakhaar ku leh xaafadda Shimanzi ee Mombasa.
Shakhsiga magaciisa lagu sheegay Dahir ayaa lagu qabtay howlgal horay looga sameeyay Nairobi waxaana hadda socdo baaritaano lagu bartilmaameedsanaya bakhaarkiisa si loo qiimeeyo tayada badeecooyinka halkaasi yaalla.