Howlgal amni oo maanta ka billaabanaya Baringo iyo Turkana

0
596

Dowladda dhexe ayaa lagu wadaa in ay maanta ismaamullada Baringo iyo Turkana ka billowdo howlgal amniga lagu xoojinaya.
Isku duwaha ammaanka ee gobolka Rift Valley Mr. George Natembeya ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay dantu ku qasabtay in ay awood u adeegsadaan dad haysto hub sharci darro ah oo aan dowladda ku soo wareejin in kastoo oo fursad la siiyay.
Mas’uulkan ayaa carrabka ku dhuftay in saraakiisha ay sameynayaan wax kasta oo uu sharciga wadanka u ogolyahay si ay u soo afjaraan adeegsiga hubka sharci darrada.
Waxaa uu intaa ku daray in hubkan mararka qaar loo isticmaalo dhaca xoolaha iyo falalka kale ee amniga liddiga ku ah.