Howlaha samatabixinta ee Tunisia oo socdo ka dib doon halkaasi kula qallibmatay qaxooti

0
251

Waxaa weli dalka Tunisia ka socdo howlaha samatabixinta ka dib markii doon sidday dad qaxooti ah oo ka soo jeedo waddamada ka hooseeya saxaraha Afrika ay halkaasi ku qallibmatay.
Dadkan ayaa ka mid ahaa tahriibayaasha isku dayaya inay gudbaan badda Mediterranean-ka si ay gudaha ugu galaan Yurub iyagoo sii maraya Tunisia.
Dhacdadan Talaadadii laga soo tabiyay Tunisia ayaa noqotay mid naxdin badan dhalisay iyadoo ciidamada ilaalada ee xeebaha wadankaasi ay sheegeen inay badbaadiyeen 76 qof, ugu yaraan ilaa iyo hadda 25 ay dhinteen halka in ka badan 20 ruux oo kalena aan meel lagu ogeyn.
Darasaad ay sameysay qaramada midoobay ayaa lagu ogaaday in Saddexdii bilood ee la soo dhaafay ay ugu khatarta badnaayeen tan iyo sanadkii 2017-kii, waxayna sheegeen in saddexdii bilood ee ugu dambeeyay gudahooda ay geeriyoodeen 441 qof oo qaxooti ah.
Ciidanka qaran ee wadanka Tunisia ayaa sidoo kale sheegay in sanadkan gudihiisa la qabtay ilaa 14,000 qof oo ah qaxooti badankooda ka soo jeedo waddamada saxaraha ka hooseeya ee Afrika.