Waxaa marinka Qaza ee dalka Falastiin dib uga billowday daadgureynta dadka haysta baasaboorrada shisheeye iyo Falastiiniyiinta u baahan daaweyn caafimaad.
Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku warramaysa in dadkan la gudbinaya marinka Rafah ee ay Falastiin la wadaagto Masar.
Arbacadii ayay ahayd markii labaad ee la hakiyay in marinka Rafah laga gudbo duqeymaha Israa’iil awgood.
Waxaa shalay Qaza ka baxay 695 qof oo ah dadka haysta baasaboorrada shisheeye iyo xubnaha qoysaskooda ee ku tiirsan.
Waxaa shakhsiyaadkan ka mid ahaa muwaadiniin ka soo jeeda wadanka Masar.