Horumar laga gaaray wada hadallada dhakhaatiirta iyo dowladda

0
201

Ka dib wada xaajoodyo ballaaran oo socday afartii cishe ee ugu dambeeyay ayaa waxaa lagu soo warramayaa in saraakiisha caafimaadka iyo mas’uuliyiinta dowladda ay sameeyeen horumar ku aaddan soo afjaridda shaqo joojinta.
Xoghayaha Guud ee ururka dhakhaatiirta dalka ee KMPDU Dr.Davji Atella ayaa raja wanaagsan ka muujiyay in ay dhawaan saxiixi doonaan heshiis ay dib ugu laabanayaan isbitaallada dowladda.
Tani ayaa la rajeynaya in ay soo gabagabeyso shaqo joojinta socoto in ka badan 40 maalmood.
Shalay ayay ahayd markii madaxa waaxda adeegga dadweynaha ee dalka Felix Koskei uu sheegay in ay mas’uuliyiinta ururka KMPDU iyo dhinacyada kale siiyeen waqti dheeraad ah oo ay ku soo dhameystirayaan wada tashiyadooda.
Waxyaabaha laga wada hadlay waxaa ka mid ah shaqaaleysiinta ardayda soo bartay culuunta caafimaadka ee maray tijaabada shaqada.
Waxaa sidoo kale wada xaajoodyada qayb ka ah golaha ay ku mideysan yihiin barasaabyada ismaamullada ee CoG.