Horjoogaha koox dhac ka gaysatay dugsi ku yaalla Busia oo la xiray

0
236

Saraakiisha waaxda dambi baarista ee ismaamulka Busia ayaa gacanta ku dhigay eedeysane lagu magacaabo Benard Juma Olula oo 45 sano jir ah.
Waxaa loo haystaa inuu 8-dii bishan Saddexaad hoggaamiyay koox burcad ah oo dhac ka gaysatay dugsiga sare ee gabdhaha ee Bishop Sulumeti Chelelemuk oo ku yaalla deegaanka Waqooyiga Teso ee ismaamulka Busia.
Benard oo ay booliiska raadinayeen ayaa sidoo kale lala xiriiriyay falal dhac ah oo laga soo tabiyay ismaamullada Bungoma, Vihiga, Kakamega, iyo Busia.
Waxay dugsiga Bishop Sulumeti Chelelemuk ka dhaceen kombiyuutarro iyo kumanaan shilin oo ay kala baxeen xafiisyada qasnad hayaha iyo maamulaha ee xaruntaasi waxbarasho.