Horjoogaha koox burcad ah oo lagu qabtay Nairobi

0
291

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa shaacisay in laamaha ammaanka ee ismaamulka Nairobi ay gacanta ku dhigeen qof ku eedeysan inuu yahay horjoogaha koox falal burcadnimo ka gaysata gudaha caasimadda dalka.
Tuhmanaha la xiray ayaa lagu magacaabaa Luis Otieno oo ku magacdheer Lui Borura.
Wararka ayaa intaasi ku daraya inuu wajahaya dacwad maxkamadeed ka dib markii lala xiriiriyay dhacdooyin kala duwan oo guriyo lagu jabsaday sidoo kalena qaar ka mid ah shacabka xaafadda Kayole ee ismaamulka Nairobi hanti looga dhacay.
DCI ayaa sheegtay in dhibbanayaasha falalkan ay lumiyeen lacag dhan kumanaan shilin.
Waaxda ayaa qoraal ku sheegtay in Luis la qabtay xilli uu kaxeynayay baabuur ay taargadiisu tahay KDM 790K.
Intaasi ka dib waxaa uu saraakiisha geeyay gurigiisa oo howlgal ay ka sameeyeen lagu soo helay taleefoonada gacanta, kombiyuutarro iyo sagaal xirmo oo ka mid ah waxyaabaha maanka dooriya.
DCI ayaa sheegtay inuu weli socdo howlgalka lagu raadinaya xubnaha kale ee burcadda la rumeysan yahay in ninka la xiray uu hoggaaminayay.