Hooyo la xiray ka dib markii ay wiilkeeda dishay

0
345

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa sheegtay in gacanta lagu dhigay labo haweeney oo kala ah hooyo iyo saaxiibteed oo loo haysto in ay dileen wiil afar sano jir ahaa oo ay dhashay hooyada.
Melvin Owuor ayaa ku eedeysan in iyada iyo saaxiibteed ay 9-kii bishii 12-aad ee sanadkii hore, qaybta meydadka la dhigo ee isbitaalka Mama Lucy Hospital ay geeyeen meydka wiilka.
Hasa ahaate , dib uma aysan soo laaban ka dib markii saraakiisha goobtaasi ay kula taliyeen in ay arrintan ku wargeliyaan booliiska.
Waxaa walaac abuuray in Melvin iyo haweeneyda kale ay damiyeen taleefoonnadooda gacanta taasi oo tuhun keentay laguna war geliyay saldhigga booliiska ee Mowlem.
Dambi baarayaasha ka howlgalo xaafadda Dandora ee ismaamulka Nairobi ayaa dhacdadaasi dabagal ku sameeyay.
Eedeysanaha ayaa markii hore sheegtay in wiilka uu geeriyooday isagoo hurdaya.
Balse waxaa baaritaanka lagu ogaaday inuu u dhintay dhaawacyo ay hooyadiis gaarsiisay.
Dambi baarayaasha ayaa sheegay in wiilka loo dilay inuu is wasaqeeyay xilli uu xaajo gudanayay waxayna hadda Melvin Owuor ku jirtaa saldhigga booliiska iyadoo ay baaritaano dheeraad ah socdaan.