Hooyo iyo canugeeda oo ku dhintay shil mooto oo ka dhacay Kericho

0
419

Laba qof oo kala ahaa hooyo iyo cunugeeda ayaa naftooda ku waayey, halka qof kalena uu ku dhaawacmay ka dib markii mooto oo ay wateen ay shil ku gashay deegaanka Samisbei ee ku teedsan wadada Kaplelartet iyo Kapsorok ee ismaamulka Kericho fiidnimadii xalay.
Sida uu sheegay guddoomiye xaafadeedka Kaplelartet Robert Korir, shilku waxa uu dhacay ka dib markii uu xakameynta ka lumay mootada
Korir ayaa sheegay in canuga yar oo 7 sano jir ahaa uu isla goobta ku dhintay, halka hooyada ay soo gaareen dhaawacyo halis ah oo ay naftu ka baxday markii loola cararay isbitaalka.
Dhibanayaasha ayaa ku soo laabanayay gurigooda iyagoo ka soo baxay munaasabad ka dhacaysay dugsiga sare ee gabdhaha ee Kakibei.