Hooyo dhashay 6 carruur ah oo toorey lagu dilay magaalada Muqdisho

0
368

Hooyo lagu Magacaabi jiray Qamar Yuusuf Cali ayaa saaka waaberigii hore waxaa lagu dhex dilay gurigooda oo ku yaalla agagaarka Ceelka Tusbaxle ee Xaafadda raadeelka degmada Deyniile ee gobolka Banaadir.
Aweys Yuusuf Cali oo la dhashay Qamar Yuusuf Cali ayaa Warbaahinta u sheegay in Walaashiis oo dhashay 6 Carruur ah loogu galay gurigeeda, islamarkaana iyada oo sariirteeda jiifta dhowr toorey looga dhuftay Caloosha iyo Dhabarkeeda.
Waxaa uu intaasi ku daray in Walaashiis xilliga la dilayay uu daqiiqado ka hor ka tegay Ninkeeda oo Masaajidka u aaday in uu ku soo dukado Salaadda Subax balse Nin ay u maleeynayaan in uu burcad ahaa uu dilkaasi u gaystay.
Alle ha u naxariistee Qamar Yuusuf Cali ayaa dhaawac culus oo tooreyda loogu gaystay waxaa ay ugu dambeyn ugu geeriyootay mid ka mid ah isbitaallada ku yaalla Magaalada Muqdisho.
Laamaha Amniga dowladda Soomaaliya iyo Maamulka degmada Deyniile ayaa weli ka hadlin dilkan, waxaana uu qayb ka yahay dilalka arxan darrada ah ee bilihii la soo dhaafay sida joogtada ah uga dhacayay magaalada Muqdisho