Waxaa xukun xabsi daa’in ah lagu riday hooyo lagu magacaabo Idaho Lori Vallow oo lagu helay dembi ah inay dishay labo canug oo ay midna iyada dhashay midna korsatay sidoo kalena ay qorsheysay inay ka takhalusto xaaskii hore ee odaygeeda.
Dembiyadan ayaa lagu cadeeyay bishii Shanaad ee sanadkan.
Carruurta ay dishay ayaa kala ahaa gabadheeda oo 16 sano jir ahayd Tylee Ryan iyo wiil ay korsatay oo 7 sano jir ahaa oo lagu magacaabo Joshua .
Falalkan ay gaysatay ayaa loo aaneeyay inay aaminsan tahay in dunida ay mar dhow dhamaad noqon doonto oo waxyaabaha caalamka ka taagan ay soo afjarayaan horumarka la gaaray.