Waxaa lagu soo warramayaa in hooyada dhashay madaxweynihii afaraad ee dalka Uhuru Kenyatta, Mama Ngina Kenyatta ay maxkamadda geysay dacwad ka dhan ah qaar ka mid ah saraakiisha dowladda.
Waxaa dacwaddan qayb ka ah xildhibaankii hore ee deegaanka Taveta Basil Criticos.
Mama Ngina Kenyatta iyo Basil ayaa doonaya in maxkamadda ay diiwaangeliyaha guud ee dhulalka iyo xeer ilaaliyaha qaranka Justin Muturi kula xisaabtanto sababta aynan u bixin warqadda lahaanshaha dhul ku yaalla ismaamulka Taita Taveta oo uu cabbirkiisu yahay 1062.3 hektar.
Waxay ku doodayaan inay yihiin milkiilayaasha saxda ah ee dhulkaasi sidaasi awgeedna loo baahan yahay in lagu wareejiyo dokumeentiga lahaanshaha.
Kiiska ay maxkamadda geeyeen waxaa ku cad in diiwaangeliyaha guud ee dhulalka uu ku guul dareystay inuu siiyo warqadda.
Arrintan oo ay maxkamaddu ku tilmaantay mid degdeg ah ayaa mar kale la soo hadal qaadi doonaa 5-ta bisha Saddexaad ee sanadka soo socdo.