Qaali Maxamuud Guhaad, oo ah hooyada dhashay Ikraan Tahliil, ayaa ka jawaabtay hadallo ku jiray wareysi taliyihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir siiyay Barta Facebook-ga ee Gaylan Media.
Waxaa ay Qaali Maxamuud carabka ku adkeysay in iyada qudheeda iyo nabadoono la socday ay ugu tageen taliyihii hore xafiiskiisa, si kiiska Ikraan Tahliil uu wax ugala qabto.
Qaali ayaa tilmaantay in markii hore uu soo dhaweeyey, ha yeeshee maalmo ka dib uu go’ay xiriirkii ay la lahaayeen.
Waxaa ay ku adkeysatay in gabadheeda Ikraan Tahliil ay ku tuhmeyso dilkeeda inuu ka dambeeyay taliyihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.
Hadalka Qaali Maxamuud Guhaad, ayaa kusoo beegmay iyadoo uu Fahad Yaasiin ku eedeeyay dilka Ikraan Tahiil ra’iisal wasaare Maxamad Xuseen Rooble iyo saraakiil kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.




