Maamulka Hong Kong ayaa sheegay in laga billaabo koowda bisha Saddexaad ee sanadkan uu meesha ka saari doono mid ka mid ah tallaabooyinkii lagu xakameynayay faafitaanka cudurka COVID-19.
Madaxa fulinta ee Hong Kong oo ah gobol ka tirsan Shiinaha balse leh maamul u gaar ah , John Lee Ka-chiu ayaa arrinkan shaaca ka qaaday.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in laga billaabo berri aynan shacabka halkaasi ku nool qasab ku noqon doonin adeegsiga af-xirka.
Lee ayaa intaasi ku daray in go’aankan la qaatay ka dib markii la xaqiijiyay in xaaladda ay sidii caadiga ahayd ku soo noqonaysa.




