Xubnaha xisbiga ODM ee ka soo jeeda Gobolka Nyanza ayaa ka qayb galay kulan aan caadi ahayn oo ka dhacay deegaanka Bondo si looga wada hadlo sidii loo xoojin lahaa xisbiga ka dib geeridii Raila Odinga.
Kulanka, oo isugu keenay hoggaanka xisbiga ayaa si wadajir ah u taageeray hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee xisbiga Oburu Odinga inuu hoggaamiyo ODM isagoo sugaya xaqiijinta hay’adaha ugu sarreeya.
Hogaamiyayaasha ayaa sidoo kale ballan qaaday inay sii taageeri doonaan maamulka Madaxweyne William Ruto ka hor doorashada guud ee 2027.




