Hoggaamiyihii hore ee kooxda Mungiki oo lagu soo oogay dacwad ah inuu haysto hub sharci darro ah

0
301

Hoggaamiyihii hore ee kooxda Mungiki, Maina Njenga ayaa maanta la soo taagay maxkamadda Makadara ee magaalada Nairobi, shan maalmood ka dib markii la xiray.
Waxaa sidoo kale maxkamadda ka soo hormuuqday walaalkii Njoroge Njenga iyo gacan yarihiisa khaaska ah, Felix Ratu Lakishe.
Njenga ayaa lagu soo oogay dacwad ah inuu haysto hub sharci ah oo fal dambiyeed lagu gaysan karo.
Hubka la sheegay inuu haysto waxaa ka mid ah baangado, seef, bud iyo masaarta nooca fargeetada.
Dacwad oogayaasha matalayay dowladda ayaa sheegay in hubkan laga soo dhex helay guriga hoggaamiyihii hore ee Mungiki.
19-kii bishan ayay ahayd markii ciidamada ammaanka ay xireen Maina Njenga ka dib howlgal ay ka fuliyeen hooygiisa oo ku yaalla magaalada Kiserian ee ismaamulka Kajiado.