Hoggaamiyeyaasha ODM oo ka digaya siyaasiyiinta da’da yar inay isu muujiyaan inay yihiin beddelka Raila

0
464

Hoggaamiyeyaasha xisbiga Orange Democratic Movement (ODM) ayaa ka digay isku dhacyada loogu jiro boqortooyada siyaasadeed ee bulshada Luo ka dib geeridii Raa’iisul Wasaarihii hore ee dalka Raila Odinga, kaasoo ahaa hoggaamiyihii muddada dheer soo hayay xisbiga.
Ergada ODM, oo Jimcihii isugu soo baxay guriga Odinga ee Beerta Opoda ee deegaanka Bondo ayaa sheegay inaysan jirin meel bannaan oo la buuxin karo.
Barasaabka Homa Bay Gladys Wanga, ahna guddoomiyaha ODM, ayaa sheegtay in bulshada Luo ay weli midaysan tahay oo aysan u baahnayn geeddi socod degdeg ah oo is beddel ah.
Waxaa ay u sheegtay hoggaamiyeyaasha inay ka fogaadaan siyaasadda kala qaybisa, iyadoo ka digtay in tartanka degdega ah ee loogu jiro doorka “boqorka Luo” uu jebin karo midnimada muddada dheer ee bulshada.
Guddoomiye Wanga ayaa xaqiijiyay in Senator-ka dowlad deegaanka Siaya Dr. Oburu Oginga, oo la wareegay hoggaanka xisbiga ODM, uu si fiican ugu diyaarsan yahay inuu sidoo kale hoggaamiyo bulshada siyaasad ahaan. Waxaa ay ku baaqday midnimo guud ahaan bulshada Luo, iyadoo ku nuuxnuuxsatay in midnimada ay muhiim u tahay xilligan kala guurka ah.
Xildhibaanka deegaan barlamaaneedka Ruaraka T.J. Kajwang’ ayaa soo saaray digniin cad, oo u muuqata mid ku wajahan xildhibaanka bariga Embakasi Babu Owino. Kajwang’ ayaa ka digay siyaasiyiinta da’da yar ee isku dayaya inay isu dhigaan kuwo beddela booskii Raila iyaga oo wata dano shaqsi.
Kajwang’ ayaa dadaallada ay wadaan siyaasiyiinta da’da yar ku tilmaamay tallaabooyin halis gelinaya isku xirnaanta bulshada Luo.
Dareenada ayaa waxaa ku celcelisay wakiilka haweenka ismaamulka Migori Fatuma Maxamed, oo ka codsatay sharci dejiyayaasha da’da yar inay muujiyaan ixtiraam oo ay garab istaagaan Dr. Oburu Oginga, oo ay ku tilmaantay shakhsiga saxda ah ee bixini kara jihada siyaasadeed ee bulshadaas.
Xildhibaanka Galbeedka Kisumu Rosa Buyu ayaa ku dooday in adduunka uu daawanayo sida bulshada Luo ay u socoto xilligan waxayna ku nuuxnuuxsatay muhiimadda ay leedahay ilaalinta midnimada, iyadoo xustay in Raila Odinga uu muddo dheer astaan u ahaa wadajirka gobolka.
Dhankiisa, Senatorka laga soo doortey Homa Bay Moses Kajwang’ ayaa ku dooday in aan loo baahnayn isqabqabsi gudaha ah ama tartan hoggaamineed.