Hoggaamiyeyaasha mucaaradka oo Madaxweyne Ruto barbar dhigaya Fircoon, iyagoo ku boorrinayay inuu dhegeysto Kaniisadaha

0
112

Mucaaradka Midaysan ayaa Madaxweyne William Ruto ku eedeeyay inuu dhegaha ka xirtay arrimaha ay Kaniisadda u jeedisay maamulkiisa, iyagoo sheegay in taasi ay tahay codka dadka uu hoggaamiyo.
Iyagoo ku ammaanaya hoggaamiyeyaasha Kaniisadda hadalkooda runta ah, shakhsiyaadka mucaaradka u sareeya ee kala ah Kalonzo Musyoka, Eugene Wamalwa iyo Fred Matiang’i ayaa isla barbar dhigay qaabka hoggaamineed ee Madaxweynaha iyo kan boqorkii Masar ee Fircoon.
Waxaa ay hadallada ka jeediyeen xafladda caleemo-saarka baadari Dorcas Rigathi oo ka dhacday gurigeeda xaafadda Wamunyoro ee ismaamulka Nyeri.