Waxaa galinkii hore ee maanta geeriyooday Altaf Axmad Shah oo ahaa hoggaamiye caan ah oo u ololeyn jiray madax bannaanida gobolka Kashmiir ee ay ku muransan yihiin dalalka dariska ee India iyo Pakistan.
Xubnaha qoyskiisa ayaa xaqiijiyay in Shah oo 66 sano jir ahaa uu u dhintay kansar xilli loo qaaday xarun caafimaad oo ku dhex taalla xabsi.
Waxaa uu shanti sano ee la soo dhaafay ku jiray xabsiga Tihar ee aad loo ilaaliyo oo ku yaalla magaala madaxda India ee New Delhi.




