Hoggaamiye gooni u goosad ah oo lagu xiray Pakistan

0
319

Militariga dalka Pakistan ayaa sheegay in waaxda sirdoonka ee wadankaasi ay gacanta ku dhigtay nin lagu tilmaamay bartilmaameedsi sare.
Tani ayaa timid ka dib howlgal laga fuliyey gobolka Koonfurta galbeed ee Balochistan kaasoo ka dhan ahaa koox fallaago ah.
Bayaanka militariga ee maanta waxaa ku cad in la xiray Gulzar Imam, oo sidoo kale loo yaqaano Shambay oo ah aasaasaha iyo madaxa ciidanka la mamnuucay ee Baloch Nationalist Army(BNA).
Kooxdan ayaa gacansaar la leh fallaagada Baloch waxayna dowladda Pakistan ku eedeysa inay tahay gooni u goosad.
Ciidamada qalabka sida ee Pakistan ayaa laga soo xigtay in BNA ay gudaha dalkaasi ka gaysatay weerarro argagixiso oo dhowr ah oo ay ka mid yihiin kuwo lala eegtay saraakiisha ammaanka.