Qaybaha kala duwan ee hoggaamiyayaasha gudaha dalka iyo caalamka ayaa Kenyaanka uga tacsiyeeyay geerida ku timid hoggaamiyaha xisbiga Orange Democratic Movement ahna Raa’iisul wasaarihii hore ee waddanka Raila Odinga.
Waxaa ay badan kood ku tilmaameen Odinga inuu ahaa shaqsi aad u sarreeya oo naftiisa u huray arrimaha dimuqraadiyadda, caddaaladda bulshada, iyo midnimada qaranka.
Hoggaamiyayaasha ayaa waxaa ka mid ahaa Raa’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi oo bartiisa X soo dhigay qoraal dheer oo uu tacsi ugu diray dhammaan Kenyaanka qaasatan qaraba iyo ehelka Mr. Odinga.
Waxaa uu sheegay in isaga iyo Raila ay ka dhaxeysa saaxibtimo qoto dheer oo soo jirtay tan iyo markii Modi uu ahaa wasiirka sare ee degmada Gujarat.
Dhanka kale waxaa tacsi tiiranyo leh u diray Kenyaanka hoggaamiyayaasha kala ah Samia Suluuxu Xasan madaxweynaha Tanzania, Raa’iisul wasaaraha Itoopiya Abiy Axmed, Xoghayaha fulinta ee urur goboleedka IGAD Dr. Workneh Gebeyehu, madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele iyo Hakainde Hichilema madaxweynaha Zambia kuwaas oo dhammaantood ku tilmaamay Raa’iisul wasaarihii hore mid ay ka go’need horumarinta dalkiisa iyo Afrika.
Gudaha dalka senataro iyo xildhibaano kala duwan ayaa hor kacay u tacsiyeenta reerka Odinga iyo guud ahaan Kenyaanka kuwaas oo ku tilmaamay hoggaamiyahan inuu ahaa mid aragti dheer oo lataliye siyaasadeed u ahaan dhammaan hoggaamiyayaasha dalka.
Madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta ayaa dhankiisa qoraal dheer oo uu soo saaray xafiiskiisa ku sheegay in Raila uu ahaa saaxib iyo walaal ay isaga dhawaayeen danaha siyaasada isaga oo tacsi tiiraanyo leh u diray qoskiisa iyo guud ahaan bulshada waddanka.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka Aadan Barre Ducaale iyo dhigiisa maaliyadda ayaa sidoo kale ka tacsiyeeyay geerida Raila Amollo Odinga.