Hogaamiyayaasha ka soo jeeda gobolka Galbeedka dalka ayaa mar kale sheegay inay taageerayaan Sanduuqa Qaran ee Horumarinta Degaannada (NG-CDF) iyo Sanduuqa Qaran ee Waxqabadka Dowladda (NGAAF), iyagoo sheegay inay halbowle u yihiin horumarka deegaannada.
Iyagoo ka hadlayay Sabtidii intii lagu guda jiray ololaha xoojinta iyo dhaqaale uruurinta ee lagu qabtay dugsiga sare ee Friends ee deegaanka Shamakho ee ismaamulka Vihiga, xildhibaanada ayaa u istaageen midnimo si ay u difaacaan labada Sanduuq waxaa ayna ku booriyeen muwaadiniinta inay si firfircoon uga qaybqaataan ka qaybgalka guud ee dalka oo lagu wado inuu bilaabmo maalinta Isniinta iyadoo Baarlamaanka uu u dhaqaaqayo in dhaqaalahan lagu daro Dastuurka.
Afhayeenka baarlamaanka qaranka Moses Masika Wetang’ula ayaa ku baaqay in laga gudbo siyaasadda isdiidan loona bedelo horumarka ay dadka u wadaan yihiin.
Xildhibaanka deegaanka Luanda ee dowlad deegaanka Vihiga Dick Maungu ayaa ka hadlay fikradaha khaldan ee ku xeeran sanduuqa NG-CDF, waxaa uuna sheegay in lacagahan aysan ahayn kuwa ay leeyihiin xildhibaanada balse loogu talagalay dadka rayidka oo lagu horumariyo nolosha aasaasiga ah.
Dareenkiisa waxaa ku nuuxnuuxsada dhiggiisa Vihiga Ernest Kagesi, oo ku dhiirigeliyay dadka deegaanka inay codkooda ku taageeraan lacagahan.
Xildhibaanka laga soo doortay deegaan barlamaaneedka Shinyalu ee ismaamulka Kakamega Fred Ikana ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay NG-CDF iyo NGAAF u leeyihiin isbeddelka nolosha.
Mudanaha laga soo doortay deegaanka Aldai ee dowlad deegaanka Nandi Marianne Kitany ayaa ka sheekeysay muuhiimada uu leeyahay Sanduuqa NG-CDF oo ay sheegtay in lagu dhiso iskuulada iyo abuurista mustaqbal wanaagsan ee carruurta dalka iyadhoo dadweynaha ugu baaqday inay si xoogan u taageeraan sii jiritaankiisa.
Xildhibaanka laga soo doorto Waqooyiga Dagoretti ee ismaamulka Nairobi Beatrice Elachi ayaa difaacday qaabka iyo daacadnimada sanduuqa iyadoo cadaysay in CDF-ta aysan maamulin xildhibaanada balse ay maamulaan guddi loo igmaday.