
Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa qareenadiisu waxay ugu baaqeen inuusan saxiixin sharci adag oo ka dhan ah dadka isku jinsiga ah ee wax iska daya,kaasoo uu baarlamaanku meel mariyay bishii hore.
Madaxweynaha ayaa la kulmay xildhibaanada xisbiga talada haya wuxuuna kala hadlay arrimaha sharcigan quseeya.
Sharciga ka hortagga dadka isku jinsiga ah ee wax iskadaya ee sanadka 2023-ka ayaa waxaa ku xusan in ciqaab adag la mariyo cid kasta oo ku kacda fal isku jinsi ah waxaana horay si weyn ugu canbaareeyay beesha caalamka iyo dadka u ololeeya xaquuqda.
Madaxweyne Museveni ayaa la kulmay falcelin iyo baaqyo badan oo lagu diidayo waxa loogu yeeray sharciga ugu adag ee ka dhanka ah kuwa ayagoo isku jinsi ah wax iska daya.
Sida ku cad sharciga, qof kasta oo wax ka daya qof ay isku jinsi yihiin wuxuu muteysan karaa xabsi daa’in halka kuwa arrintan caadeysta lagu xukumayo dil.
Waxaa hadda soo baxday in qareenada u doodaya dowladda ay kula taliyeen madaxweynaha inuu sharciga dib ugu celiyo baarlamaanka, sida ku cad warqad uu ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud u diray afhayeenka baarlamaanka maalintii Khamiista oo ay heshay wakaalada wararka AFP.
Tallaabadan ayaa timid iyadoo baarlamaanka Yurub uu u codeeyay inuu cambaareeyo sharcigan, wuxuuna ku boorriyay dalalka Midowga Yurub inay raadiyaan qaab ay Museveni ugu cadaadinayaan inuusan dhaqangelin xeerkan waxayna digniin u direen xukuumadda Kampala.
Dalka Uganda ayaa horay waxaa uga jiray sharci la adeegsan jiray xilligii gumaysiga oo lagu ciqaabo kuwa isku jinsiga ah ee wax iska daya balse ilaa markii uu dalkaan xurriyadiisa qaatay sanadkii 1962-dii wali ma dhicin wax xukun ah oo lagu fuliyay kuwa isku jinsiga ah ee isu qaada damac dareen.



