Hoggaamiyaha RSF-ta Hemedti oo loo dhaariyay inuu noqdo madaxa dowladda isbarbar taagta ah ee Suudaan

0
716

Maxamed Xamdaan Dagalo, oo ah madaxa ciidamada taageerada degdega ah ee RSF-ta, ayaa loo dhaariyay inuu noqdo madaxa dowladda isbar bar taagta ah ee Suudaan, sida ay dowladda ku sheegtay bayaan ay soo saartay, taasoo ku riixaysa waddanka tallaabo uu ugu sii dhawaanayo kala qaybinta dhabta ah.
Dagalo, oo loo yaqaan Hemedti, ayaan waddanka gudahiisa lagu arkin tan iyo markii uu billowday dagaalka 28-ka bilood qaatay ee ay kula jiraan ciidamada qaranka dalkaas, balse waxaa lagu dhaariyay magaalada Nyala ee dalka Suudaan, sida lagu sheegay bayaanka. Wakaalada wararka ee Reuters ayaa si madax banaan u xaqiijin waysay halka uu ku sugan yahay Hemedti.