Hoggaamiyaha KANU oo sheegay in isku shaandheyn lagu sameyn karo golaha wasiirrada

0
545

Madaxa xisbiga KANU ahna senatarka ismaamulka Baringo Gideon Moi ayaa carrabaabay in madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta uu ku howlan yahay sidii uu isku shaandheyn ugu sameyn lahaa golihiisa wasiirrada.
Warbaahinta dowladda ee KBC ayaa ku warramaysa in isbeddelkan uu noqon karo midka ugu dambeeya ee muddo xileedka Kenyatta.
Mr. Gideon Moi oo ay aad isugu dhow yihiin madaxweynaha ayaa tilmaamay in Kenyatta uu diiradda saarayo sidii uu wax uga beddeli lahaa golaha fulinta ee dowladda.
Moi ayaa qowmiyadda uu ka soo jeedo ka codsaday inay isku shaandheynta la filayo soo dhaweeyso maadaama sida uu hadalka u dhigay ay wadanka dani ugu jirto.