Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa ku sugan caasimadda wadanka Namibia ee Windhoek.
Waxaa uu halkaasi uga qayb geli doonaa aaska maydka madaxweynihii Namibia ee geeriyooday Hage Geingob.
William Ruto ayaa ka mid ah 18 madaxweynayaal ah oo ka qayb galaya aaska qaran ee loo sameynaya Geingob oo lagu qabanaya aagga taallada halyeeyada ee Heroes’ Acre monument.
Geingob, ayaa sanadkii 2014-kii laga helay cudurka kansarka wuxuuna isagoo la daaweynaya geeriyooday 4-tii bishan Labaad.
Waxaa uu geeriyooday isagoo markii labaad madaxweyne ka ah Namibia wuxuuna intaasi ka hor 15 sano ahaa Ra’iisul Wasaare.