Hoggaamiyaha dalka oo baaq u diray saraakiisha caafimaadka

0
252

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa howlwadeenada caafimaadka ugu baaqay inay diiradda saaraan u adeegidda dadweynaha maadaama sida uu hadalka u dhigay ay miro-dhaleen qorsheyaal caafimaad oo ay horay dowladdu u dejisay.
Baaqan ayuu jeediyay xilli uu shalay xarunta isbitaalka qaran ee Kenyatta ee magaalada Nairobi uu ka furay qaybo dheeraad oo ay ka mid tahay mid lagula tacaali doono xanuunnada kilyaha.
Qaybahan oo gaaraya saddex ayuu Mr. Kenyatta xusay in loo dhisay qaab casri ah sidoo kalena la qalabeeyay.
Waxaa uu intaasi ku daray in mashruucyadan dhanka caafimaadka ay dowladda dhexe ku qarash gelisay hal bilyan oo shilin.
Madaxweynaha dalka ayaa sheegay in tan iyo markii uu 2013-kii qabtay hoggaanka wadanka , horumarro wax ku ool ah laga gaaray wanaajinta hannaanka caafimaad ee wadanka.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in isbitaalka wayn ee KNH laga fuliyay ugu yaraan 200 oo ah adeegyada kilyaha shaqo gabay ee la beddelo.