Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka Kimani Ichung’wah ayaa sheegay in madaxweynaha dalka William Ruto uunan weli la hadlin sidoo kalena kulan la yeelan madaxa isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in isfahanka dhawaan la gaaray uunan wax xiriir ah la lahayn heshiiskii siyaasadeed ee sanadkii 2018-kii.
Xildhibaanka deegaanka Kikuyu ee ismaamulka Kiambu ayaa carrabka ku adkeeyay in madaxweynaha iyo Raila ay keliya ku heshiiyeen in muranka siyaasadeed lagu xalliyo qaab aan ku koobnayn fulinta dan shakhsiyeed oo gaar ah.
Waxaa uu intaasi ku daray in nidaamka loo maraya baarlamaanka ee lagu xallinaya tabashada mucaaradka ay tahay mid qaranka loogu daneynaya.
Mrelax, there is NO HANDSHAKE pic.twitter.com/pWRt3eDofV
— Kimani Ichung’wah (@KIMANIICHUNGWAH) April 3, 2023