Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka oo kulan la qaatay safiirka Ingiriiska

0
243

Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka Kimani Ichung’wah ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiiradda boqortooyada Ingiriiska ku matasha Kenya Jane Marriot.
Waxaa ay ka wada hadleen xaaladda siyaasadeed ee dalka.
Ichung’wah ayaa hoosta ka xarriiqay in madaxa isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga ay mas’uuliyad ka saaran tahay inuu dejiyo xiisadda taagan isagoo dadka taabacsan ka hor istaagaya inay ku kacaan falalka sharci darrada ah.
Xildhibaanka deegaanka Kikuyu ee ismaamulka Kiambu ayaa dhanka kale sheegay in maamulka Kenya Kwanza ee uu ka tirsan yahay uu diyaar u yahay ka qayb galka wada hadallada ku aaddan shaqaaleysiinta saraakiisha cusub ee guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC.
Hasa ahaate waxaa uu ku celceliyay inay qasab tahay in wada hadallada aan lagu qaban meel ka baxsan baarlamaanka.
Safiiradda Ingiriiska ee Kenya ,Jane Marriot ayaa dhankeeda rajo wanaagsan ka muujisay in qaabka loo dhan yahay ee uu soo jeediyay madaxweynaha dalka William Ruto lagu xallin doono ismari waaga siyaasadeed.
Marriot ayaa dowladda dhexe iyo mucaaradka ka codsaday inay daacad ka noqdaan dadaallada lagu xaqiijinaya degganaanshaha dalka.