Hoggaamiyaasha Ruushka iyo Kuuriyada Waqooyi oo wada hadal yeeshay

0
253

Waxay wada hadallo heer sare ah u billowdeen madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin iyo dhigiisa Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un.
Wada xaajoodyada oo ka socdo magaalada Pyongyang ayay mas’uuliyiintan ku xoojinayaan xiriirka dhaqaale iyo gaashaandhigga ee ka dhexeeya dalalkooda.
Putin ayaa Kim Jong Un uga mahadceliyay taageeridda siyaasadda xukuumadda Moscow oo ay ka mid tahay duullaanka ay ku haysa Ukraine.
Wakaaladda wararka ee Kuuriyada Waqooyi ee KCNA ayaa kulanka Vladimir Putin iyo Kim Jong Un ku tilmaantay mid taariikhi ah.
Hoggaamiyaha Ruushka ayaa Pyongyang tagay 24 sano ka dib wuxuuna xiriirka labada waddan sii xoogeysanayay tan iyo 2022-kii.