Madaxda xisbiyada ku midoobay isbeheysiga OKA ee kala ah Musalia Mudavadi(ANC),Kalonzo Musyoka(Wiper), Gideon Moi(KANU) iyo Moses Wetangula(Ford-Kenya) ayaa maanta magaalada Nairobi shir kula qaadanaya xubno matalaya dadweynaha ku nool gobolka bartamaha wadanka.
Senatarka ismaamulka Kakamega sidoo kalena ka tirsan xisbiga ANC Cleophas Malala ayaa sheegay inay xubnaha ku qancin doonaan inay siiyaan taageero siyaasadeed si musharrax ka mid ah OKA uu sanadka 2022-ka ugu guulaysto hoggaanka wadanka.
Waxyaabaha ay y bandhigayaan waxaa ka mid ah mideynta dadweynaha, inuu sii jiraya jawi deggan oo lagu ganacsan karo iyo xasilooni buuxda.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo maalqabeenada mount Kenya ay shir la qaateen madaxa xisbiga ODM Raila Odinga oo ay taageero u muujiyeen.
Shirka maanta ayaa qayb ka ah dadaallada ay musharraxiinta xilka madaxweynenimo gelinayaan sidii ay garab uga heli lahayeen qowmiyadaha kala duwan ee wadanka ku nool iyagoo diiradda saaraya fulinta danahooda.