Waxaa isa soo taraya kala qeybsanaanta siyaasadeed ee gobolka Bartamaha dalka taas oo ku aadan doorashada 2022-ka.
Qaar ka mid ah siyaasiyiinta Bariga Mt. Kenya oo uu hor kacayo Barasabka Meru Kiraitu Murungi ayaa iyagu sheegaya inay u tartami doonaan xilka madaxweynenimo.
Waxay ku eedeynayaan deriskooda ka soo jeeda gobalada Agikuyu danaysi iyo qorshe ay ku doonayaan in ay iska soo xulaan musharax kale oo madaxweyne ka dib marka uu xilka ka dago hoggaamiyaha dalka.
Kulan ay isugu yimaadeen hogaamiyaasha Meru sabtidii, ayaa lagu taageeray gudoomiyaha Meru Kiraitu Murungi inuu noqonaya hogaamiyaha gobolka wuxuuna si deg deg ah ugu dhawaaqay jiha siyaasadeed ee cusub.
Arrintan ayaa ku soo aadaysaa ka dib markii dhawaan loo caleema saaray guddoomiyaha baarlamaanka dalka Justin Muturi inuu noqda afhayeenka gobolka Mt. Kenya.
Home Wararka Kenya Hogaamiyaasha Meru oo ku adkesanaya in barasaabkooda Kiraitu Murungi uu xilka kala...