Hindise sharciyeedka maaliyadda oo maanta baarlamaanka la hor geynaya

0
239

Waxaa uu qorshuhu yahay in galinka dambe ee maanta baarlamaanka waddanka loo bandhigo warbixinta la xiriirta hindise sharciyeedka maaliyadda ee sanadkan ee Finance Bill 2024.
Waxaa warbixintan golaha qaran ee xeer dejinta hor geyn doono guddoomiyaha guddiga arrimaha maaliyadda ee baarlamaanka ahna xildhibaanka deegaanka Molo ee ismaamulka Nakuru Kimani Kuria.
Tani ayaa timid ka dib markii kenyaanka fursad loo siiyay in ay aragtidooda ku biiriyaan qorshaha ay dowladda dhexe ku doonaysa in ay ku hesho dakhli dheeraad ah.
Madaxa isbeheysiga talada waddanka haya ee Kenya Kwanza u qaabilsan dhanka abaabulka iyo kala dambeynta baarlamaanka Sylvanus Osoro ayaa sheegay in la tixgeliyay soo jeedintii shacabka ee ahayd in aan canshuur dheeraad ah la saarin rootiga.
Dhanka kale , kooxaha u ololeeya arrimaha bulshada iyo maamul wanaagga ayaa qorsheynaya in ay maanta bannaanbax ka sameeyaan afaafka hore ee baarlamaanka.
Boniface Mwangi oo ka mid ah shakhsiyaadkan ayaa sheegay in ay 15-kii bishan booliiska ku wargeliyeen qorshaha bannaanbaxa.
Waxaa uu xusay in kenyaanka ay isaga imaanayaan qaybaha kala duwan ee dalka iyagoo socod ku tagi doono xarunta baarlamaanka abaare 12-ka duhurnimo.
Waxaa uu intaasi ku daray in taliyaasha booliiska ay ballan qaadeen in ay qadarin doonaan xaqa ay shacabka u leeyihiin in ay dibadbax sameeyaan oo ayna nabadgalyada adkeyn doonaan.