Ururka Xisbullah ee dalka Lebanon ayaa sheegay inuu dhowr weerar oo loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee drones-ka lala eegtay saldhigyo ay Israa’iil ku leedahay waqooyiga magaalada Acre iyo inta u dhexeysa magaalada Nahariyya.
Waxay kooxdu sheegtay in falkaasi ay uga aargoosanaysay dilka mid ka mid ahaa dagaalyahaanadeeda.
Tallaabadan ay qaadday Xisbullah ayaa lagu sheegay weerarkii ugu cuslaa ee ay gudaha Israa’iil ka fuliyeen tan iyo markii uu billowday duullaanka militari ee Qaza.