Waxaa magaalada Qaza ee dalka Falastiin maanta ka dhaqan galay heshiis shaqeynaya afar cishe oo ay wada gaareen Israa’iil iyo ururka Xamaas.
Tani ayaa ku soo beegmaysa ka dib toddobo isbuuc oo ay socdaan duqeymaha Israa’iil ay ka fulinaysa halkaasi.
Israa’iil ayaa la filayaa inay maanta xabsiyadeeda ka siidayso maxaabiista Falastiiniyiinta ah halka Xamaas ay siidayn doonto maxaabiista ay gacanta uga dhigtay Israa’iil 7-dii bishii hore .
In ka badan 14,800 oo qof ayaa lagu dilay Qaza laga soo billaabo 7-dii Oktoobar ee sanadkan.