Israa’iil iyo Xamaas ayaa lagu soo warramayaa inay dhawaan ku heshiiyeen in maalinkii toddobaad la kordhiyo is-afgaradkii ka dhaqan galay Qaza.
Heshiiskan ayaa horay ahaa afar cishe ka hor inta aan lagu darin labo maalmood oo laga soo gudbay.
Waxaa saacadihii la soo dhaafay uu mugdi ku jiray in muddada heshiiska labada dhinac la sii kordhin doono iyo in kale.
Ururka Xamaas ee dalka Falastiin ayaa sheegay in Israa’iil ay diiday inay maxaabiis dheeraad ah siidayso taasoo keentay in aan la is afgaran.
Balse militariga Israa’iil ayaa ugu dambeyn shaaciyay in heshiiskii kala dhexeyay Xamaas ee maxaabiista la isku dhaafsanaya sidoo kalena gargaarka baniaadannimo lagu gaarsiinaya Qaza uu sii shaqeyn doono.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in shalay ay Qaza siidaysay 16 qof oo isugu jiro kuwo u dhashay Israa’iil iyo ajaaniib kale.
Sidoo kale Israa’iil ayaa saaka oo Khamiis ah xabsiyadeeda ka siidaysay 30 qof oo Falastiiniyiin ah oo isugu jiro haween iyo carruur.