Heshiis xabbad joojin ah oo laga gaaray dagaalka gobolka Nagorno-Karabakh

0
306

Ciidamo beeleedka Armenia ayaa sheegaya inay oggolaadeen soo jeedin xabbad joojin ah oo uga timid Ruushka.
Heshiiskan ayaa ka dhaqan galaya gobolka ay ku muransan yihiin dowladaha dariska ah ee Armenia iyo Azerbaijan ee Nagorno-Karabakh.
Is afgaradkan ayaa ku soo aadaya hal maalin ka dib markii dowladda Azerbaijan ay billowday duullaan ay ku doonaysa inay gobolkaasi si buuxda ugula wareegto iyadoo ciidamo beeleedka dagaallamaya ka dalbatay inay isa soo dhiibaan.
Heshiiska xabbad joojinta ee la gaaray waxaa sidoo kale xaqiijisay wasaaradda gaashaandhigga ee dalka Azerbaijan.