Hergab Doofarka Swine Flu oo canug ugu dhintay Nakuru halka 8 kale isbitaal la dhigay

0
382

Fayraska dhaliya hergabka Doofarka ee Swine Flu ayaa ka dillaacay ismaamulka Nakuru.
Waxaa uu sababay in hal cunug uu u geeriyoodo fayraskan, halka 8 carruur oo kale lagu daweynaya isbitaalka guud ee gobolka Rift Valley iyo xarunta caafimaadka Kiptangwanyi ee Elementaita ee deegaanka Gilgil.
Maamulka xarumahan caafimaadka ayaa laga soo xigtay in dadka la dhigay labada isbitaal ay xaaladooda aad u wanaagsan tahay.
Dr. Daniel Wainaina, oo ah agaasimaha caafimaadka ee ismaamulka Nakuru, ayaa sheegay in ay digniin ka heleen xarunta caafimaadka ee Kiptangwany 27-kii bishii hore.
Waxaa uu intaasi ku daray in carruurta ay dareemeen qandho, qufac iyo neefsashada oo ku adkaata.
Hergabka Doofaarka Swine flu waa caabuq neefmareenka oo ku dhaca bini’aadamka.
Ilaa shalay, waaxda caafimaadka ee ismaamulka Nakuru ayaa shaaca ka qaadday in 140 xaaladood oo ah hergabka Swine Flu la diiwaangeliyay tan iyo markii uu dillaacay 27-kii bishii July ee sanadkan.
75 ka mid ah 140 kiis waa rag, halka 65 ay yihiin haween.